Maxay ka dhigan tahay booqashada Xoghayaha Guud Ee Muqdisho?

Soonqaadka,ayuu doortaa booqasho uu ku tago Dal Muslim ah Sanad walba Xoghayaha Guud.

Imaanshihiisa Somaliya,dhowr arrimood,ayay wax uga tari kartaa Somaliya…

1.Somaliya in laga taageero arrimaha baniaadminimada (Culayska abaaraha).

2. Somaliya in laga taageero arrimaha is-beddelka cimilada oo Africa Lacag badan loogu deeqay.

3.Waxay kor u qaadaysaa Diblomaasiyada Somaliya (Weliba inuu caawa ku hoydo waa ictiraaf weyn).

Muxuu ku sheegay khubadiisa?

1.In Somaliya laga taageero Dowlad dhiska
2.In Somaliya laga taageero Dagaalka Argagixisada.

Malaga faa’idaystay booqashadiisa ?

Nasiibdarro,waxaa la oran karaa lagama faa’idaysan oo socdaalkiisu,waxuu kusoo aaday markale,iyadoo Somalidu kala qaybsan tahay..

1.Puntland oo aan qayb ka ahayn hogaaminta Xasan.

2.Somaliland oo xasuuq Shacab kawada LC.

Sidoo kale booqashadiisu waxay kusoo aadaysaa,iyadoon aysan waxba ka dhaqaaqin Qodobadii hortabinta ulahaa Dowlad dhiska Somaliya…

B.Dayn Cafintii oo istaagtay.

T.Dagaalkii argagixisada oo Wajigii hore fashilmay.

J.Dastuurkii qabyo tirkiisii oo aan dhaqaaqin.

Guteres wuu yaqaan Somaliya iyo xaaladaha ka jira,waxuuna khudbadiisa ku muujiyay in ay ubaahan tahay in laga caawiyo siday Dowlad udhisan lahaayeen,taasoo macnaheedu yahay Dowladna ma’ahan,Wadadii ay ku noqon lahaayeena mahayaan.

Jibril Qoobey.