Reer Baydhabo oo si weyn udhibsaday in Deegaankooda loo isticmaalo yaboohsi Abaareed

Reer Baydhabo si weyn ayay uga xumaadeen in Deegaankooda loo isticmaalo yaboohsi Abaareed.

Falcelin xoog badan ayay ka sameeyeen Sawirkan iyo kuwo kale oo loo isticmaalay gurmadka Abaaraha.

Xoghayaha guud imaanshihiisa Somaliya fursadaha looga faa’idaysanayo,waxaa ugu horeeya Abaaraha oo loo samaynayo dacaayado caalamka looga raadinayo dhaqaale.

2400-Milyan oo dolar ayay Qaramada Midoobey codsatay in lagu taageero si ay wax uga qabato Abaaraha.

Lacagtaas Qaramada Midoobey,waxay la haraysaa $600-Milyan oo Adeeg loo isticmaali doono.

Waxaa xusid mudan in Labadii Bilood ee ugu danbeeyay Baydhabo uusan Roobku ka qaadin,isla markaana muuqaaladii Saxaafadu soo gudbisay ay Waji gabax ku noqdeen Abaartii iyo Macaluushii la sheegay.

Gaynta la geeyay Xoghayaha guud Baydhabo waxay ahayd khalad marka laga duulayo buunbuuninta Abaarta.

Jibril Qoobey.