Xisbiyada Siyaasada Puntland oo laga badinayo tirada qoran

Xisbiyada Siyaasada Puntland oo sharciyan ay qoran in ay yihiin Sadex,ayaa lagu darayaa Labo lagana dhigayaa 5-Xisbi.

Dhawaan,ayaa loo gudbinayaa Baarlamaanka si ay u ansixiyaan wax ka badalkaas.

Cadaadis ka yimid Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dimuqraadiyaynta,ayaa sababay in wax laga badalo Sadexda Xisbi.

Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland ee dhici doona 25/5-Aad,ayaa,waxaa kusoo bixi doona Xisbiyada jaangoyn doona Siyaasada Puntland.

Haatan Olalihii oo bilow ah,ayaa muujinaya in Ururka Mideeye hogaaminayo kalsoonida Bulshada.

400-kun oo Qof,ayaa udiyaarsan in ay Codkooda dhiibtaan guud ahaan Puntland.

Waa taariikh ay samaynayso Puntland xili xasaasiya.

Jibril Qoobey.