Safiirka Shiinaha oo si yasmo iyo jees-jees ah ugu jawaabay Somaliland

Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Somaliya oo ka jawaabay qoraalkii ay saacado ka hor Somaliland ku garab isaagatay Taiwan,ayaa yiri in Somaliland ay iska xar xariiqatay soohdin iyo xad aan jirin.

Somaliland,ayaa dalka Shiinaha ku eedaysay in uu weerar ku yahay Taiwan.

War ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku baahisay barteeda Twitter ka ayaa lagu sheegay in Shiinuhu u wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyada Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay Somaliland garab taagan tahay Taiwan oo ah dal Dimuqraadiya.

 

 

“Dadka garaadka lihi Guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan”Ayuu yiri Safiirku.

Waa hadal adag oo lagu tilmaami karo jawaabtii ugu kululayd ee ka timaada Diblomaasi.

Maamulka Somaliland,ayuu waji gabax iyo bahdil ku tahay jawaabtan ka timid mid ka mid ah Wadamada ugu awooda badan Caalamka.