Dowlada Somaliya oo ugu baaqday dhinacyada Sudan in ay Xabada joojiyaana

War saxaafadeed (faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
April 15, 2023

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed.

->###<-

🔗➡️ https://www.mfa.gov.so/wp-content/uploads/2023/04/Sudan.pdf

#Soomaaliya #Soomaali #Sudan #Sudanese #Khartoum