Maamulka SNM oo isku dayaya in uu ka daba tago Diblomaasiyad looga adkaaday

“Ciidamada Puntland waxay jeexayaan Xuduud Beeleed saamayn doonta Dalal kale oo Afrika ah,Ciidamada Jamhuuriyada SL waxay difaacan doonaan xuduudooda”Ayaa lagu yiri Warka SNM soo saartay.

“Marakay Ciidamada Puntland ka baxaan Dhulka SL oo ay isku soo haraan Shacabka LC iyo maamulkoodu,waxaan bilaabi doonaa wadahadal”Ayaa markale lagu yiri warka SNM.

Hadalka SNM waa Sanbuuse laga adimay,waxaana soo baxaya War ka dhan ah oo ku saabsan xasuuqa Laascaanood ay ka geesteen.

Diblomaasiyad laga adeegtay oo looga hormaray,ayuu Muuse isku dayayaa in uu ka daba tago.

Mar horaba waa la qoray Erayada Warnurtiyeedka Beesha Caalamka ee xasuuqa LC.

Caalamku,waxuu yaqaan Jamhuuriyada Somaliya iyo Beelo Somalidu ukala degto oo isku Sinji ah.