Yaa ka faa’iday dagaalka ba’an ee ka socda Ukrain?

Dagaalka Ukrain iyo Ruushka,waxuu door weyn ka qaatay kobaca dhaqaalaha reer Galbeedka.

Shirkadaha shidaalka ee reer Galbeedka,ayaa si weyn uga faa’iday cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka Saliidiisa iyo kororka qiimaha Shidaalka ee caalamka.

Si gaar ah kuwa Maraykanka,ayaa sameeyay faa’ido taariikhiya.

Shirkadaha sida la yaabka leh ufaa’iday,waxaa ka mid ah…

1.Exxonmobil oo heshay $56bn
2.Shell oo heshay $39.9bn
3.Bp 27 oo heshay $27bn
4 Chevron oo heshay $36.5bn

Halkii Saac,waxay Shirkadahaas faa’idayaan $6.3-Milyan.

Maareeyaha guud ee Shirkada Exxonmobil,ayaa Mushahaarkiisu kordhay 52%,waxuuna hada Sanadkii helayaa $35.9.

80%,ayay korortay faa’idada ay heli jirtay Shirkadan Exxonmobil.

Guud ahaan faa’idada ay ka heleen dagaalka Ukrain Shirkadaha Shidaalka reer Galbeedka,ayaa dhan $200bn.

Dagaalka Ukrain,waxaa la oran karaa waa mid Saliideed,waxaana ka faa’iday Shirkada Shidaalka reer Galbeedka.

Jibril Qoobey.