Maxaa ka jira in Xasan Sh. Heshiis Shidaal la galayo Shirkada Eni?

Warar aan la xaqiijin karin oo iska soo daba dhacaya,ayaa sheegaya in Xasan Shiikh siinayo Shirkada Shidaalka Eni ee Talyaaniga Qaybo ka mid ah Badda Somaliya ee lagu tuhmayo in Shidaal ku jiro.

Qaybahaas la sheegayo in Eni loo saxiixayo,ayaa ku Aadan Jubaland.

Sidoo kale,waxaa soo baxaya tuhun sheegaya in M.Xasan ogolaaday Shidaal laga baaro Badda Somaliya ee Kenya ku haysato,taasoo Maxkamada caalamiga ah uxukuntay Somaliya.

Xasan,waxuu aqbalay in waxii halkaa laga helo Kenya,wax laga siiyo,sida wararku sheegayaan.

Itoobiya,ayay wararku sheegayaan in ay heshiiskan kaga qaybgalayso dhanka xaqiijinta amniga,gaar ahaan Gedo iyo Gaaska lagu tuhmayo.

Wararku waxay kaloo tilmaamayaan in Lacag Xuquuqul Qalin ah oo gaaraysa $30-Milyan uu Eni kasoo dhameeyay Prof.Jurille oo Adis lagu kala qaadanayo.

Balse wararkan,waxaa hoos udhigaya haldoorka Somaliyed ee xog ogaalka ka ah Shidaalka iyo Siyaasadaha ku gadaaman…

1.Eni,waxaa maalgeliya Qatar 70% ,taasna waxay keenaysaa in Imaaraadka oo Xasan Musdanbeed u ah uusan aqbalayn.

2.Eni waxay kusoo fashilantay Ceelkii Lamu oo ay kusoo khasaartay,waana isku dhaceen Dowlada Kenya oo way ka leexatay markii Maxkamadu uxukuntay Somaliya Qaybihii ksle ee laysku haystay.

3.Eni,waa Yurub,waxaana ogolayn in Saliida Somaliya lagu tuhmayo aysan soo gelin Maraykanka oo uusan Xasan iska indhotiri karin saamayntiisa.

4.Hadii heshiis Shidaal lawada galayo,waxaa khasab noqon lahayd in gudaha Somaliya lagu kala saxiixdo.

Waxa la og yahay,waa in Xasan baahi weyn uqabo Dhaqaale si shaqsiyan ah iyo si guud Dowlada uu hogaaminayo ee Villa Somaliya.

Isku soo wada duuboo kulanka Adis,waxaa laysla fahansan yahay in uu salkiisu yahay dib usoo noolaynta saamaynta Talyaaniga ee Geeska Afrika.

Jibril Qoobey.