Socdaalka tiro beelka ah Ee Xasan Shiikh oo noqday hab lagu lunsado dhaqaale.!!

Socdaalka faraha badan ee M.Xasan Shiikh,waxuu noqday hab lagu lunsado dhaqaale.

Halkii mar ee uu ubaxo safar Xasan Sh,waxaa lagula baxaa Lacag gaaraysa $400-kun,taasoo aan lahayn isla Xisaabtan oo kaliya lagu qoro Sahay Safar.

Safarada faraha badan iyo Ilihii Dhaqaalaha ee Muqdisho oo loo dhiibay Shaqsiyaad iyo Shirkado ay wataan Qoysaska Madaxweyne Xasan waxay sababtay in isdhimis weyn ay ku timaado Miisaaniyada oo ay kala bataan waxa soo xaroonaya iyo waxa baxaya.

Isdhimista jirta waxay gaaraysaa $58-Milyan,iyadoo ay saamayn ku yeelatay barnaamijkii socday ee Dayn cafinta iyo Kabidii caalaamka ka imaan jirtay.

Sida qorshuhu ahaa hadii wax ku socon lahaayeen Somaliya waxay soo gaari lahayd Maalinkii Shalay ahaa ee 15-kii Bishan April halkii ugu danbaysay ee lagu qiimayn lahaa in ay uqalanto siinta Dayn cusub,waase laga dib dhacay.

Sida muuqata,waxaa dib usii dhici doona ku dhawaaqistii lagu shaacin lahaa Bisha Sep in Somaliya ay ka gudubtay Wadan gargaar oo ay ugudubtay Dal isku filan oo baahidiisa xaq uleh in uu Deyn ku xalisto sida Wadamada kale ee caalamka.

Jibril Qoobey.