Faallo:-Sudan mawaxay qaaday Wadadii Siiriya iyo Dowladaha fashilmay?

Labada Askari ee ku hardamaya awooda hogaaminta Sudan,waxay ka suurowdaa in uu Dimuqraadiyada uhiiliyo Burhan.

Balse,isaguna,waxuu gabaad ka dhigtay hadii uu xukunka wareejiyo oo doorasho qabto in doorashadaas ay kusoo baxayaan Islamiyiinta.

Baqdingelintaas,waxay keentay in reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ay gadaal uga dagaan oo indhaha ka laabtaan hagardaamayntiisa Dimuqraadiyada Sudan.

Hamedti,waa dagaal Ooge hore oo udilaacay hogaamiye kooxeed haysta Maleeshiyo fara badan oo ku qalabaysan Hub aan caadi ahayn.

Si cad,ayuu udiidan yahay in uu nidaamka hoos yimaado kuna hoos shaqeeyo Dowladnimada,waxuuna ku awoodaystay khayraadkii Dalka oo uu Calooshood ushaqaystayaal Shisheeye ka xaraasho.

Waxuu Gacanta ku dhigay Gododkii Dahabka ee Dalka,taasoo ka caawisay in uu si fudud Qani ku noqdo,isla markaana gaarsiisay in uu ahaado Ninka Labaad ee ugu awooda badan Dalkaas.

Ruushka,Sacuudiga iyo Imaaraadka,ayaa la leh xiriir Mileteri iyo mid Ganacsi oo xoog badan.

Sudan waa Bulsho diyaarsan,degan,Ilbax ah oo horumar ka sameeyay Aqoonta,iyagoo hadana mudo dheer ku hoos jiray Xukun digteetar.

Waxaa lagu tilmaamaa Sudan in ay lahaayeen mid ka mid ah Wardoonka ugu khibrada badnaa Wadamada Carabta.

Maqaamka Dhul iyo Dad ahaaneed ee ay ku leeyihiin Afrika iyo Carabta,ayaa ka dhigaya in burburkoodu saamayn weyn yeelan doono.

Jibril Qoobey.