Maxaa ka jira in Ciidamada Maraykanka laga soo saarayo Somaliya?

Afhayeenka Kongareeska Maraykanka iyo koox Xisbigiisa Republican ah,ayaa abaabulay Mooshin looga soo saarayo Ciidamada Maraykanka Somaliya.

Mooshinkaas intuusanba soo gaarin Aqalka,waxaa ku kala qaybsamay Republican gudihiisa oo diiday.

Kooxda soo abaabushay Mooshinkan,waxay daba socdaan go’aankii hore eeTrump uu uga soo saaray Ciidamada Somaliya,iyagoo fashilinaya qorshaha Biden.

Balse Republican gudihiisa ayay ka gadmi wayday arinkan,waxayna u arkeen in soo saarista Ciidanka ay tahay khalad Siyaasi oo ka hor imaanaya danaha Maraykanka.

Ciidamo door ah oo Maraykan ah,ayaa gudaha Somaliya ka hawlgala,iyagoo qayb weyn ka ah la dagaallanka argagixisada.

Dhanka kale xiligan oo loolan uga imaanayo Shiinaha saamayntiisa kuma haboona Maraykanku in uu ubaneeyo Wadan Somaliya oo kale ah oo leh muhiimado waa weyn.

Jibril Qoobey.