Miyuu ka qaybgalayaa Deni Shirka Madasha Ee May iyo Muqdisho?

In Deni uga qaybgalo Aamusnaan Shirka Madasha ee 15-ka May Muqdisho loo ballansan yahay waxay bixinaysaa aragti khatarteeda leh.

Madaxweynaha oo aan Golayaasha Dowlada,Gudigii khilaafaadka iyo hormuudka Bulshada iskugu yeerin kana talogelin sida wax usocdaan,soona bandhigin,waxii laysku qabtay waxa laga qabtay,waxa dhiman iyo waxa tanaasulka laga sameeyay,waxay macno tiraysaa Dowladnimada.

Hadii Deni Aamuska uu ku jiro ku tago Xamar,waxay diraysaa fariin khaldan oo ah in PL ay tahay Boorso uu wato Nin tiisa ucaraysan oo markuu helana dhigaya markuu waayana xanbaaranaya.

Inkastoo Imaaraadka oo saamayn weyn leh uu damaanadqaadka Xasan lagu aaminayo bixiyay hadana ma’ahan Nin la Aamini karo.

Waxay ku qurxoonayd fulinta heshiiska in Xasan dhankiisa ay ka bilaabato.

Si kasta oo ay tahay Deni,waxaa laga rabaa mudada ka harsan May 15 in uu wax fasiro.

Jibril Qoobey.