Musuqa Xasan Sh iyo Qoyskiisa oo sababay fashilka ku yimid Dayn cafintii iyo Kabkii Miisaaniyada

1.Safarada faraha badan ee Madaxweynaha.

2.Ilihii Dhaqaalaha ee Muqdisho oo loo dhiibay Shaqsiyaad iyo Shirkado ay wataan Qoysaska Madaxweyne Xasan.

3.Musuqa xad dhaafka ah ee galay Qaadkii,Dhulkii Dowlada iyo Mashaariicdii deeqaha.

Arimahaas,waxay saamayn ku yeesheen Miisaaniyadii Dowlada,barnaamijkii socday ee Dayn cafinta iyo Kabidii caalaamka ka imaan jirtay.

Tan iyo xiligii la doortay M.Xasan lama helin Kab Miisaaniyadeed marka laga reebo mid taalay oo Dowladii hore ka tagtay.

Sida qorshuhu ahaa hadii wax ku socon lahaayeen Somaliya waxay soo gaari lahayd 15-kii Bishan April halkii ugu danbaysay ee lagu qiimayn lahaa in ay uqalanto siinta Dayn cusub,waase laga dib dhacay.

Sida muuqata,waxaa dib usii dhici doona ku dhawaaqistii lagu shaacin lahaa Bisha Sep in Somaliya ay ka gudubtay Wadan gargaar oo ay ugudubtay Dal isku filan oo baahidiisa xaq uleh in uu Deyn ku xalisto sida Wadamada kale ee caalamka.

Caalamka taageera Somaliya,waxuu og yahay xogaha musuqa ee toos utaabanaya Madaxweynaha iyo Qoyskiisa,waana mida keentay niyad jabka.

Wax fudud ma’ahan in hogaamiyaha Dalka ugu sareeya lagu hayo cadaymo xatooyo Xoolo Dadweyne.

Markii la qiimeeyo dhawr arimood,waxaa la oran karaa Somaliya mudo xileed 4-Sano ah oo macno uyeelan lahaa,ayaa ka khasaaray..

B.Madaxweynaha musuqiisa.
T.Madaxweynaha Qabyaaladiisa.
J.Madaxweynaha hanyaridiisa.
X.Madaxweynaha Aragti gaabnidiisa.

 

Jibril Qoobey.