Muxuu ka dhigan yahay Warka BC kasoo saartay colaada Laascaanood?

BC oo ka kooban 15-Wadan,ayaa soo saartay War ku saabsan colaada LC.

Muhiimada Warka BC,ayaa ahaa..

1.Muuse Biixi in uu qaato soo jeedinta ah in Ciidankiisa uu kala baxo LC iyo Aageeda.

2.In dhanka Sool ay ixtiraamaan Xabad joojinta.

3.In guud ahaan laga shaqeeyo xasiloonida.

4.In la fududeeyo oo la dadajiyo gar-gaarka bini’aadantinimo.

Muuse muxuu waayay?

B.Eediisii ahayd in PL ay qayb ka tahay dagaalka oo laga soo qaaday waxba kama jiraan.

T.Sool in ay hoos timaado Maamulkiisa oo la macno tiray.

J.Wax la yiraahdo Jamhuuriyada SL oo leh Xuduud mudan in la ixtiraamo.

X.Dagaalka LC in uu yahay mid udhaxeeya Beel waxtirsanaysa iyo maamulkeeda.

Sool maxay lumisay?

B.In Muuse loo qabto xili go’an oo uu kaga baxo Gooja-cade.

T.In Muuse si Wadajir ah looga qaado talaabo adag.

J.In maamul la yiraahdo SSC BC aqoonsato.

Uk maxay lumisay ama heshay?

B.In aan Muuse talaabo adag oo ka dhan ah la qaadan way ku guulaysatay.

T.In wax laga badelo Erayada qaarkood oo loo isticmaalayay Warka BC,way ku guulaysatay.

J.In Cabdi Madoobe Ciidankiisa loo aqoonsado Shabaab,waa ku guul daraysatay in lagu daro warka.

X.In Shabaab Ciidan ah joogay ama maray Habeeno LC waa ku guuldaraysatay in lagu daro Warka.

Jibril Qoobey.