Maxaa udanbeeyay dagaalka Sudan Ee Todobaadka jirsaday?

Waa la karbaashay hogaamiyaha Janjawii oo waxaa lagu ciilay Diyaarado iyo Taangiyo.

Saadkii,isgaarsiintii iyo Tiknikadii,ayaa laga burburiyay Maleeshiyada RSF.

Haatan gurmad Saad ah oo ay ku jiraan Lidka Diyaaradaha iyo Taangiyada,ayaa uga yimid Jen.Xaftarka Liibiya.

Ciidamada Milleterigu waa awood badan yihiin umana baahna taageero Ciidan iyo Saad toona.

Afar jeer oo ay burburtay Xabad joojin la abaabulay,waxaa jabiyay Ciidanka Milleteriga oo aan rabin wada hadal,waxayna aaminsan yihiin in ay ka adag yihiin RSF oo ay soo afjarayaan.

Dagaalkan waa mid istiraatiiji…

1.Maraykanku,waxuu gubayaa maalgelinta daynta ah ee Shiinaha oo dhan $6- Bilyan.

2.Ruushku,waxuu guranayaa Dahabka Sudan,isagoo ugu badala Qamadi iyo Hub.

3.Imaaraadku,waxuu rabaa in uu la wareego oo dhismaheeda bilaabo Dekeda Sudan.

4.Sacuudigu,waxuu ka cabsi qabaa Islaamiyiinta.

5.Masar dhan walba waa umuhiim Sudan,waxaana ka go’an Kursi ku haynta Burhan.

Dhamaan arimahaas Shacabka Sudan wax dan u ah kuma jiraan,waxaana Xuduuda Chad ka gudubtay 20-kun oo Qof.

Jibril Qoobey.