Sacuudigu ma waxuu isku dhiibay Quwadii loolanku kala dhaxeeyay Ee Iran?

MBS,waxuu ku khasbanaaday in uu aqbalo guusha Shiicada ee Bariga Dhexe.

Si walba oo uu ugu dadaalay in uu kula loolamo Shiicada awooda Gobolka,isagoo kaashanaya Gaashaanbuurtiisa waxay umuuqataa in uu ku fashilmay Sacuudigu.

Dagaalka Yemen,waa tusaale muuqda oo lasoo qaadan karo.

Maraykanka oo ah xulufada ugu weyn Sacuudiga ee dhanka amaanka,waa ka gaabsaday in uu door muuqda ka galo dagaalka Yemen.

Waxuu ciyaarayaa Maraykanku Siyaasad Laba Wajiilayn ah oo Muslimiinta Bariga Dhexe ah,taasoo uu ka faa’idayo..

B.Lacag badan oo Sacuudigu Hub kaga iibsado.

T.Isku mashquulin Shiicada iyo Sunniyiinta.

Maraykanku,waxuu ku joogaa dhanka Amaanka Dalal Goboleedka Aasiya iyo Yurub Siyaasad isku xuuxin ah..

B.Yurub,waxuu ku bajiyaa Ruushkaan idinka difaacayaa,hadii kale waa idin liqayaa.

T.Carabta Bariga Dhexe,waxuu ku bajiyaa Iran,ayaan idinka hayaa oo idin diiranaysa.

J.Japan,S.Korea iyo Taiwan,waxuu ku maalaa Shiinaha baqdinta weyn ee ay ka qabaan.

Inkastoo Maraykanku dilay isku-dubaridihii Maleeshiyaadka Shiicada ee Iraq,Siiriya,Yemen iyo Lumnaan Qaasim Sulaymaani,hadana marabo in loolanka Shiicada iyo Sunniga ee Bariga dhexe soo afjarmo.

Sacuudigu,waxuu dareemayaa khatar weyn oo kusoo socota,isla markaana uusan waxba ka qaban karin.

Jibril Qoobey.