Video:-Ruushka oo si khaldan u dukheeyey magaalo ku taalla dalkiisa

 

Ruushka,ayaa sheegay in mid ka mida diyaaradohoodu inay duqaysay magaalo ku taalla Ruushka oo aan ka fogayn xuduudda dalkaasi uu la wadaago Ukraine, iyada oo duqayntaasi ay ku dhaawacmeen laba qof, halka ay cabsi badan ku abuurtay dadka deegaanka.

Milateriga Ruushka ayaa qirtay in mid ka mida diyaaradahoodu inay si khaldan ugu tuurtay bamka, magaalada Belgorod, oo ay ku nool yihiin illaa 340,000 qof, una jirta xuduuda Ukraine illaa 40 KM. Ruushka ayaa hore weerarkan ugu eedeeyey ciidamada Ukraine.