Video:-Inta badan Dalalka caalamka oo kala baxaya Diblomaasiyiintooda Wadanka Sudan

Diblomaasiyiinta Shisheeye,ayaa la bilaabay in laga daad gureeyo Wadanka Sudan.

Ciidamada Milleteriga,ayaa sheegay in ay ka caawinayaan Dalalka Maraykanka,Ingiriiska iyo Shiinaha sidii ay ula bixi lahaayeen Diblomaasiyiintooda.

Sidoo kale Doon qaaday 50-Qof oo udhashay Sacuudiga,ayaa ka anba baxday Sudan.

Waxaa kaloo jira Maraakiib qaaday Dad ukala dhashay 11-Wadan oo gaaraya 108-Qof.

Dhimashada dagaalka,ayaa hada sii cagacagaynaysa 400-Qof.

Qorshe walba oo Xabad joojineed,waa fashilmay.

Jibril Qoobey.