Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Sudan oo Todobaadkii Labaad galay

Dagaalkii Sudan,waxuu galay Todobaadkii Labaad,iyadoo ay ku naf waayeen 400-Qof ayna ku dhaawacmeen 3500-Qof.

20-kun oo Qof,ayaa ka gudbay xuduuda Chad,iyadoo la filayo in tiradu gaarto 100-kun oo Qof.

Korontadii iyo Biyihii,ayaa sii yaraanaya,waxaana xirmay inta badan Isbitaaladii,iyadoo ay hirgeli wayday Xabad joojintii ugu danbaysay ee Ciida.

Safaaradii Maraykanka ee Sudan si kmg ah,ayaa loo xiray,waxaana laga saaray Diblomaasiyiintii iyo Qoysaskoodii.

Faransiiska,Ingiriiska,Shiinaha,Sacuudiga,Urdun iyo Dalal kale,ayaa ku guda jira la bixida Dadkoodii ka joogay Sudan.

Sidoo kale Ardayda ka kala timid daafaha caalamka ee ujoogay Waxbarashada Sudan qaybo ka mid ah,waxaa loo daad gureeyay Adis-ababa.

Waxaa sii hoobanaya mid ka mid ah Wadamadii ugu macnaha badnaa Afrika,Carabta iyo Islaamka.

Jibril Qoobey.