Ugu danbayn Axmed Madoobe oo ka degay Adis-ababa

Waxaad Maanta gaaray Adis-ababa caasimada Itoobiya Madaxweynaha JL Axmed Madoobe.

Ujeedka socdaalkiisa,ayaa ku salaysan la kulanka Ra’isalwasaare Abiy oo uu martiqaad ka helay.

Lixdii Bilood ee udanbaysay,waxuu Axmed ku mashquulsanaa sidii uu uga heli lahaa casuumad Dowlada Itoobiya.

Sida xoguhu sheegayaan casuumadan iyo damaanadqaadka tagida Axmed ee Adis,waxaa fududaysay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Itoobiyada Abiy hogaaminayo waxay u aragtay Axmed Cadow ay tahay in si adag loola diriro,balse tagidiisa Adis waxa ay badali doonto lama saadaalin karo.