Uk oo Muwaadiniinteeda ka daad guraysanaysa Sudan

Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Royal Air Force,ayaa ku degtay garoon milateri oo ku yaalla Waqooyiga Caasimadda Sudan ee Khartoum, taasoo qeyb ka ah howlgalka UK ee lagu doonayo in dadka sita Baasaboorka Britain ay si wadajir ah uga daad gureeyaan dalkaas.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK James Cleverly,ayaa ku dhawaaqay Talaadadii in ay muwaadiniin British ah dib ugu soo celin doonaan UK.

Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda,ayaa horay looga qaaday Suudaan Axadii.