Wadahadallada Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda OLA oo Zanzibar ka furmay

Wajigii koowaad ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLA ayaa Talaadadii ka furmay dalka Tanzania, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay jabhadda.

Odaa Tarbii oo ah afhayeen u hadlay OLA ayaa sheegay in labada dhinac ee iska soo horjeeda uu wadaxaajood horudhac ah uga billowday Zanzibar.

“Wadahadalladan billowga ah waxaa looga golleeyahay in lagu aasaaso doodo ballaaran mustaqbalka dhow,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Kenya iyo Norway ay ka yihiin dhex-dhexaadiyaal.

“Waxa marxaladdan diiradda lagu saaraya in la dhiso kalsoonida iyo caddaynta mawqifyada” ayuu raaciyay.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay inaysan u suurtogelin xiriir ay la sameysay dowladda Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaceeda warbxinta wadahadalladan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in wadahadalka OLA uu furmi doono Talaadada, balse ma uusan bixin wax faah-faahin ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania Stergomena Tax oo la hadlay warbaahinta Talaadadii shalay ayaa sheegtay inay aqbaleen codsi ku aadan martigelinta wadahadalada, isla markaana wufuudda qaran ay bilaabeen in ay yimaadaan.

Jabhadda OLA oo ah jabhad hubaysan oo kasoo jeedda gobolka Oromada ayaa dagaal kula jirtay Addis Ababa tan iyo sanadkii 2018-kii markaas oo ay ka go’een Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF markii ay ka tanaasuleen halgankii hubaysnaa.

Tan iyo markii jabhadda OLA ay jabtay oo ay dagaalka bilaabeen, waxaa soo baxay kooxo hubaysan oo ku sugan Oromiya oo sheeganaya inay qayb ka yihiin qadiyadooda, inkastoo ay si dabacsan u xidhan yihiin.

Xigasho:-VOA