Maxay ku salaysan tahay Booqashada Uganda Ee Xasan Shiikh?

Hal Sano oo safaro ku dhamaaday waxba uma soo kordhin Somaliya.

Tagidiisa Uganda ee Maanta,waxay ku salaysan tahay Ciidamo Beeleedka 10-ka kun ah qalabayntooda.

Qodobka ka bixida Ciidamada Atmis Somaliya 2024 uma badna in uu hirgalo,sababtoo ah majiraan Ciidan Qaran oo badalaya.

BC ee bixisa dhaqaalaha Ciidamada Atmis waxay khaati ka taagan tahay waxqabad xumida,musuqa iyo qorshe la’aantooda.

Sidoo kale waxay ka niyad jabsan tahay Somalida iyo dadaal xumidooda ay ugu diyaar garoobi waayeen hanashada amniga dalkooda.

Dalku maleh Siyaasad Amni oo wadata khariirad lagu midaysan yahay.

Madaxweyne Xasan Qodobadii horyaalay ee ay ahayd in uu waxkaqabto,waxaa ugu muhiimsanaa fulinta iyo isku dubaridka Siyaasada amniga Qaran.

Balse taa badalkeeda,waxuu ka doortay abaabulka Siyaasada Amniga Beeshiisa iyo diyaarinta Ciidan Beeshiisu ku qabsato Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka.

Somaliya markale ayay ka khasaartay mudo xileed Dowladnimo oo muhiim u ahaa.

Jibril Qoobey.