Ururka KAAH oo ka hor istaagay Beesha Cumar Maxamuud in ay Bosaso ka codayso

3500 Dad ka badan oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud,ayaa iska diiwaangeliyay Bosaso.

Nasiibdarro Dadkaas,waxaa loo diiday in ay helaan Goob ay ka codeeyaan oo ay Musharaxiintooda kusoo saartaan.

750-Qof haday Dadku gaaraan,waxaa sharciya in ay helaan goob doorasho.

Waxa hor istaagay waa Gudoomiyaha Gobolka,Duqa Bosaso,masuuliyiinta Ururka KAAH iyo Gudiga doorashada.

Taladayda waxay tahay hadii laydin ogolaan waayo Goob aad Codkiina ku dhiibataan dulqaad ku dara oo kaliya,waxaad samaysaan Ucodeeya Mideeye.

Sidoo kale Gobolka Mudug,waa in looga Codeeyaa Mideeye,sababtoo ah Madaxweyne Deni waxba waa ka qaban waayay cabashada Beesha,waxuuna wax la raadinayaa Beelo aysan Bosaso ka joogin 100-Qof.

Jibril Qoobey.