Faallo:-Khilaafka Axmed iyo Deni saamayn maku yeelan karaa midnimada PL iyo JL?

PL iyo JL markii lagu dhawaaqayo,waxay kuula muuqanayaan Laba Maamul,balse sidaa ma’ahan.

JL waxay utaagan tahay midnimada,matalaada,horumarka iyo helida Adeeg Bulsho ee Daarood iyo Somalida kale Koonfurta Dalka rabbi kuwada beeray.

In wakhti,dhaqaale iyo Dhiig la geliyay kama dhigna in Axmed Madoobe la taageerayay ee waa waajib lagudanayay.

Axmed nasiib,ayuu uyeeshay in uu ahaado hogaamiyihii maamulkaas 12-kii Sano ee lasoo dhaafay.

PL=JL wayna sii ahaan doontaa si walba oo ay Deni iyo Axmed ukala fogaadaan.

JL cid gaar uleh majirto ee waa lawada leeyahay.

Shaqada ugu weyn ee noo taala waa in la xaliyo Gedo tabashadeeda.

Si gaar ah M.Deni,waxaa waajib ugu ah in uu meel iska dhigo waxa uu ka tirsanayo Axmed oo uu ilaaliyo JL waliba arinka Gedo u istaago.

JL waxay ubaahan tahay xiligan in laga garabsiiyo jalaafooyinka Damjadiid ee ku socda.

Guud ahaan haldoorka reer PL ee Siyaasada,dhaqaalaha,Mashaariicda,waa in aysan ka niyad jabin ilaalinta JL oo aysan saamayn ku yeelan Axmed iyo Deni wax kala tirsashadooda.

Siyaasada Somaliya ma’ahan isbahaysi Siyaasadeed ee waa isbahaysi Qabiil salkeedu.

Jibril Qoobey.