Video:-Madaxweynaha Kenya oo Somaliya ku tilmaamay Wadan aan Dowlad lahayn

Habeen hore, mar uu wareysi ku siinayay Madaxweynaha Kenya Mo_Ibrahim Fdn xarunta KICC ee Nairobi,ayuu sheegay in Somaliya aysan Dowlad lahayn.

“54-Wadan oo xor ahaa laga soo bilaabo 1960-kii miyaysan maarayn karin $85-Milyan oo lagu taageero Somaliya oo aan Dowlad lahayn,halka ay ka sugayaan Midowga Yurub”Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Waa hadal canaan ahaan uu ku iftiiminayay Ruto Wadamada Afrika iyo waxtarxumadooda,iyagoo Qaramo ah in ku dhow Qarni welina ay si dadban uhoos joogaan Gumaystayaashii Yurub.

Balse waa hadal niyad jab,bahdil iyo foolxumo ku ah Umadda Somaliyed hadana aan lagu dhibsan karin Ruto,sababtoo ah waaqiciga,ayuu ka duulay.

Villa Somaliya Dowlad laguma tilmaami karo waxa fadhiya ee waa koox Sxbo ah iyo Nin Qoyskiis oo qaraabanaya,magaca ay NGO ahaan u isticmaalayaana yahay Somaliya.

 

Halkan ka daawo muuqaalka