Dhinacyada dagaalka Sudan oo umuuqda in ay danaynayaan wada xaajood

Dhinacyada isku haya Suudaan, ayaa isku raacay in ay u diraan wakiillo uga qeyb gala wada-xaajood, kuwaasoo laga yaabo inay ku sugan yihiin Sucuudiga, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Folker Bertes.

Bertes,ayaa u sheegay wakaalada wararka ee (AP) isniintii, in wada hadaladu ay marka hore diiradda lagu saari doono sidii loo samayn lahaa xabad joojin la isku halayn karo, oo ay kormeerayaan goobjoogayaal heer qaran iyo caalami ah.

Wuxuu intaa ku daray in labada dhinac ay markiiba magacaabeen wakiiladooda, si ay wada hadalo hordhac ah u yeeshaan.

Bertes, ayaa waxa kale oo uu sheegay in usbuucii lasoo dhaafay uu arkay isbedel dhanka mowqfiyada ay kala taagan yihiin labada dhinac ee dagaalamay, isagoo xusay inay garwaaqsadeen sida ay xaaladu halis u tahay, iyo in guul kasta oo la gaarayo aad u baahan yahay dhaqaale tiro badan.

Macluumaad sugan lagama hayo goorta iyo goobta wada xaajoodku uu ka dhacayo. Sarkaalka Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxeysa ka tirsan,ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiin doonaan goobta lagu qabanayo shirka.

Xigasho:-BBC.