Faallo:-Madaxweyne Xasan Da’mooyee wax kale uma kordhin

Hadalka dabacsan iyo dhoola cadaynta uu Dadka ku khaldo marka laga soo tago Xasan waxba masoo kordhin hadalkiisu.

1.Waa Nin Laba Weji leh.
2 Waa Nin Eex badan.
3.Waa Nin Musuq badan.
4.Waa Nin aan ku fiicnayn ballanta iyo Runta.

Hadallada qurxoon ee kasoo baxaya Afkiisa iyo ficilka uu samaynayo si weyn ayay ukala duwan yihiin.

Majiro Qof Aamini kara oo ku kalsoonaan kara hadalkiisa.

Tusaale”

LC oo Dhiigu daadanayo,ayuu uga dhigay Dhiig joojin Ergay Muuse lagu badbaadinayo.

Haatana,waxuu ka shaqaynayaa oo BC kaga xigsaday inta aan Gooja-cade laga saarin in uu Jabuti Shir ugu qabto la yiraahdo SL iyo Somaliya.

PL maxay isku khilaafeen?

1.Qabyo tirkii Dastuurka waa diiday.
2.Dayn cafintii waa fashiliyay.
3.Siyaasadii Amniga waa socod siin waayay.
4.Shidaalkii soo saaristiisii waa musuqay.
5.Kalluumaysigii waa musuqay.

Dhamaan Qodobadaas oo taagan,ayuu inkirayaa oo hadal uu ka muuqdo Laba Wajiilayn muujinayaa.

Xasan Da’ mooyee wax kale uma kordhin.

Jibril Qoobey.