Qul-qulka Muhaajiriinta Ee Maraykanka oo laga hortagayo

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka,ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Go’aankan,ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.

Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

“Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.

Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

Ayada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs — oo ay ku jirto go’aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka — maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Title 42, si loo xakameeyo muhaajiriinta.