Maxay ahayd fariintii ay ugeeyeen weftiga Maraykanka Muuse Biixi?

Ku-simaha Agaasimaha USAIDSomalia Lawrence,ayaa ugeeyay fariin muhiim ah Muuse Biixi.

Sida laga soo xigtay Safaarada,waxuu ballan qaaday Muuse in uu fulinayo farriintan,isla markaana garowsanayo.

Ili xog ogaal ah,ayaa sheegaya in ay ahayd fariintu qorshihii BC usoo jeedisay ee ahaa in uu ka baxo LC Aageeda iyo in uu sameeyo khariirad uu ku qabanayo doorashada Madaxweyne ee Maamulkiisa.

“Waxaan haynaa xog rasmi ah oo sheegaysa in Gooja-cade dagaal xoog leh kusoo wajahan yahay mana rabno khasaare danbe in uu halkaa ka dhaco ee Erayadayadii ugu danbeeyay,waxaan kugu leenahay kasoo bax”Ayaa lagu yiri Muuse.

SNM Jabka Ciidan ee ku dhacay,waxaa uga daran burburka Siyaasadeed iyo cadaadiska Diblomaasiyadeed ee saaran.

 

Jibril Qoobey.