Xamse oo loo dirayo Nayrobi si loo daboolo safarada tira beelka ah Ee Xasan

Waxaa kaloo kasoo baxaya baaqashadiisa Ingiriiska war kale oo oranaya,waxuu ubaaqday in uu 21-ka Bishan Aado Uganda oo Ciidan ugu xaraysnaa halkaas usoo xirto tababar.

Hadaba,isagoo lagula taliyay in uu yareeyo safaradiisa faraha badan,ayuu door biday labada Safar kan Uganda Xasan Shiikh.

Waxaa culays ku noqday in uu horaanta Bishan Aado Ingiriiska,kadibna Ugandha toos usii Aado.

Sidoo kale baaqashadiisa,waxaa looga faa’idaysanayaa daminta Tooshka ku ifay bahdilida Ra’isalwadaaraha.

Sida warku sheegayo Ra’isalwasaare Xamse,ayaa loo dirayaa Nayrobi si Dadka looga mashquuliyo Safarada Madaxweynaha.

Xamse,ayaa Nayrobi utegi doona Mija baxsi maadaama uu ku curqay Xaafiiska oo uusan meelna uga bixin.

Jibril Qoobey.