Xog:-Xasan Shiikh iyo qorshihiisa Canshuur kordhinta?

Ganacsatada Muqdisho waxay wajahaysaa Canshuur dheeriya oo gaaraysa 100%500 oo uu dul saaray M.Xasan Shiikh.

Ganacsatada Muqdisho waxay ku doodayaan in aysan macquul ahayn canshuurta intaas le’eg in la saaro.

Ganacsatada Muqdisho waxay wax kasoo dhoofsadaan Suuqyo la mid ah kuwa ay kasoo dhoofsadaan Ganacsatada Puntland iyo Somaliland oo aysan saamaynayn Canshuurtan..

Ganacsatada,ayaa ka wal-wal qabta in Macaamiishu uga wareegto PL iyo SL.

Xasan oo cabashada Ganacsatada Muqdisho raba in uu qanciyo,ayaa qorshaynaya Shirka ugu horeeya ee Madasha in lagu mideeyo Canshuuraha guud ee Dalka.

DG,ayuu uballan qaaday haday fuliyaan midaynta Canshuuraha in si siman loo qaybsan doono Deeqaha,loogana wada shaqayn doono dayn cafinta.

Maamulada B iyo K Dalka maleh Garoomo iyo Dekedo marka laga reebo JL oo iyaduna aan ka helin dakhli macno leh.

PL,ayaa ah Deegaanka ugu muhiimsan ee qorshahan fulintiisu ku xiran tahay,mana rabto in ay aqbasho hindisaha khaldan ee Xasan Dhaqaalaha ku doonayo.

Jibril Qoobey.