Yaa awood uleh laalida Qodob ka mid ah Dastuurka PL?

Waa Warqad uu ku saxiixan yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo lagu cadaynayo in Baarlamaanku aqbalay Codsi Madaxweyne oo uu ku dalbanayo Laalid Qodob Dastuuriya.

Qodobkaas,ayaa ahaa in Doorasho Dadweyne oo toos ah ay ku yimaadaan 66-Xildhibaan ee Baarlamaanka PL.

Markii la hirgelin waayay doorashada Baarlamaanka,waxaa si nidaamiya loo laalay Qodobkaas qeexaya doorashada Xildhibaanada,iyadoo lagu badalay soo xulida Odoyaasha Dhaqanka.

Laalidan waa soo jireen la sameeyo doorasho walba ilaa Madaxweyne Cadde Muuse.

Hadaba Maanta si loo balaariyo ka qaybgalka Siyaasada ,waxaa la hirgelinayaa in Sadexda Xisbi looga guuro 5-Xisbi,waxaana ansixin doona G.Wasiirada,iyadoo horay Ururadu Cod ugu soo kala baxeen,waxaana ugu danbayn la horgaynayaa Baarlamaanka.

Dastuurka lama furayo ee Qodob,ayaa codsi Madaxweyne lagu laalayaa si kmg ah.

Laalidan waa u dan Umada reer PL oo waxay qayb ka qaadanaysaa midnimadooda iyo wax wada lahaanshshooda.

Halkan ka akhriso

 

Jibril Qoobey.