Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray Garacad.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya , Ibraahim Mete Yagli ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug , waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha deegaanka Garacad.

Maamulka deegaanka ,Madaxda shirkadda Wadaagsan iyo MaamulkaTTN ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta danjire Ibrahim Mete Yagli.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda , Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa la socday wafdiga oo ka soo duulay magaalada Garoowe.

Ujeedka socdaalka danjire Ibraahim Mete Yagli
ayaa la sheegay inuu la xiriiro dhiirigelin maamulka shirkadda dhista dekedda ee TTN iyo shaqaalaha Turkiga ah.

Hormarka ku yimid Wadatashiga ayaa soo jiitay indha caalamka.

 

default