Faallo:-Danta Umadda iyo Deni in la mucaarado aan kala leexino.

Shalay,waxaa dood laga dhiganayay Sadex Xisbi oo Cismaan Maxamuud ah kala dooran mayno.

Markii cabashadaas loo hakaday oo 5-Xisbi laga dhigay lana siiyay fursad Dadkii doodaas qabay,waxay bilaabeen Dastuurku waa Lama taabtaan.

Dastuur wax laga badalayo majiro ee Qodob,ayaa la’laalayaa,si loo gaaro dan Umadeed.

Si la mid ah Qodobka doorasho walba oo PL ka dhacda la’laalo ee sharaxaya habka ay ku imaanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweyne Faroole laftigiisa,ayaa sameeyay waxa Deni saakay uu ku eedaynayo oo laalay Qodob Dastuuriya si markaas loo xaliyo arin taagnaa.

Bulshada caadiga ah arinkan dhib weyn uma arkaan,waxaase Deni kula loolamaya Raga dhaqanka iyo Siyaasada qaybta ka ah intooda badan.

5-ta Xisbi mid ku yeelo ama mid gal si aad door ugu yeelato Siyaasada Puntland 10-ka Sano ee soo socota.

Danta Umadda iyo Deni in la mucaarado aan kala leexino.

Jibril Qoobey.