Fariin ka timid Qalbiyada Shacabka PL Ee ku socota M.Gaas

Allow yaa Gaas usheega in aysan isticmaalin reer Faroolaha fashilmay ee Umadda reer Puntland ay ka fogaatay.

Saakay Siyaasi heer Fadaraal ka gadmi kara oo reer PL isku raaci karaan isagaa jira ee yaa fahansiiya in uusan Kaarkiisa iska gubin.

Puntland waad soo hogaamisay,doorashana waad qabatay,xilkiina waad wareejisay ee haku deeqdo.

Yaysan iska kaa soo hormarin kuwo Umadda aan hor imaan karin.

Buuqan ka gaabso oo ka fagoow gudaha Dalka iyo Kenya.

Puntland oo Dimuqraadiyad uguurtay Qofka ugu horeeya oo ay wax ugoynayso waa Adiga ee ilaalso.

Weli rajaa leedahay ee is uruuri Gaasoow oo ka fagow kuwa laga fogaaday.

Jibril Qoobey.