GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND OO MAGACAABAY GUDDIGA KASOO TALO BIXINTA WAX-KA BEDELKA DASTUURKA DAWLADDA PUNTLAND

Garoowe, May 06, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06 May, 2023 magacaabay Guddiga kasoo talo bixinta Wax-ka bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu: –

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 139-aad.

MARKUU ARKAY: – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobadiisa 8-aad faqradiisa 11-aad iyo 3-aad farqadiisa 22-aad.

MARKUU ARKAY:- Soo gudbinta Madaxweynaha Tixraac MW/DPS/52/2023 ee 06/05/ 2023

MARKUU LA TASHADAY: –

Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada.

WUXUU MAGACAABAY:-

Guddiga Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, si ay falan-qeyn ugu sameeyaan wax-ka-beddelka Dastuurka Dawladda Puntland ee Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna Golaha u soo gudbiyaan talobixintooda.

1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)
2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)
3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)
4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)
5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Waxaa Guddiga kaalinaya Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada DPL Cabdinuur Xasan Maxamed iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiillada Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamed

Wada-shaqeyn Wacan

Mudane. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL