Video:-Maxaa udanbeeyay Dabka ka kacay Alberta Canada?

Gobolka Alberta ee dalka Canada oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

Gobolka Alberta ayaa looga dhawaaqay xaalads degdeg ah kaddib markii dab ka soo billowday keymaha u uku fiday gobolkaas ku yaalla galbeedka Canada, taasoo sababtay in ku dhowaad 25,000 oo qof ay ka qaxaan guryahooda.

Gobolkan oo hore ay usoo martay ilaa 100 dhacdo oo dab ka kacay, ayaa raysal wasaaraha Alberta Danielle Smith waxay xaaladda ku tilmaantay mid “aan hore loo arag”.

Dadka deggan Edson, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 8,000 oo qof, ayaa loo sheegay inay degdeg uga baxaan.

Ms Smith ayaa sheegtay in jiilaal kuleyl iyo qalleyl wata uu abuuray xaaladdan, iyadoo ilaa 122,000 hiktar oo dhul ah ay gubteen ilaa iyo haatan.

Dab kale oo kacay oo aan la xakameyn karin ayaa waxaa sii hurinaya dabeylo xooggan.

Meelaha ugu daran ee dabku saameeyay waxaa ka mid ah Drayton Valley, oo ilaa 140km (87 meyl) galbeed uga began caaismadda gobolka ee Edmonton, iyo Fox Lake, oo ilaa 550km waqooyi uga began magaalada, halkaas oo 20 guri uu digada ka dhigay dabku.

Alberta waa gobol soo saara shidaalka, balse arrintan ma aha waxa sababay xaaladdan khatarta ah.

Halkan ka daawo muuqaalka