Muxuu la micno yahay hadalka Xamse Xalay kasoo yeeray?

Wax cusub ma sheegin ee waxuu ku celiyay hadalkii Xasan.

Xamse,waxuu umuuqdaa Nin Hurdo laga soo toosiyay oo soo salalay lana soo jiheeyay.

Waxa uu ku doodayo oo PL ku eedaynayo maleh cadayn la taaban karo laguna wada qanci karo.

Laba Qodob,ayaa laga dhex arki karaa hadalkiisa…

1.In Dowladii Xasan Sanad ku fashilantay.

2.In PL ay tahay awood aan la dhaafi karin.

Puntland in Dalkan lagu tagrifalo awoodiisa Dowladnimo ma aqbali karto.

Waxa ay Maanta ku haysato Dowlada Xasan hogaaminayo,waa waxii ay Shalay ku haysatay oo ku hor taagnayd Dowladii Farmaajo.

Dowladnimada Somaliya ma dhisna,Dalkuna maleh Dastuur oo weli,waxaa lagu guda jiraa dhisme Dowladeed iyo Qabyo tir Dastuur.

Puntland kuma ceebaysna in ay muujiso taxadar iyo ka fiirsasho.

Dayn Cafintu waa barnaamij ubaahan wada shaqayn,isla ogol iyo isla eegid fadhida.

 

Jibril Qoobey.