Faallo:-Maxay macna ah oo ay uleedahay Deni uhoyashada Islaan Bashiir?

Si lama filaan ah,ayuu ugu tagey Islaan Bashiir Shalay markuu kasoo baxay Garoonka Kubada Cagta Madaxweyne Deni.

Majirin ballan hore,waana ka cudurdaartay Islaanku codsiyo dhawr jeer uu usoo dirsaday Deni.

Madaxweyne Deni talaabo fiican,ayuu qaaday oo lagu bogaadiyay,mar haduu Islaan Bashiir fadhigiisa ugu tagey.

Islaan Bashiir waa mid ka mid ah Isimada ugu maqaamka sareeya reer Puntland oo aad loo qadariyo.

Islaan Ciise,waa in uu ugu hoydaa hoygiisa Garowe.

Sidoo kale Boqorka iyo Isimada Bari,waa in uu ujilba jabsadaa.

Siyaasiyiinta intooda muhiimka ah,waa in loo tanaasulaa oo lagu qanciyaa xil iyo Xoolo waxay ku qancayaan.

Dadka in laga wada adkaado looma baahna ee waa in qayb la kaxaystaa.

Deni waa guulaystay,mana jiro Siyaasi ka hor imaan kara,sababtoo ah waa dareenka Bulshada oo raacay.

Balse waxaa wax khaldi kara oo siin kara fursad kuwa mucaaradsan waxyar oo uu khalday.

Markan oo kale Deniyoow yaysan ku hodin guulaha deg-dega ah ee dabac ku dar una Gacan haati cid walba gudo iyo dibad.

Dadkaagoo kuu midaysan,ayaad la goos-goosan kartaa Xasan iyo Muuse.

Jibril Qoobey.