Video:-Magacaabista Guutaale oo galaafatay Barnaamijkii Deynta Cafinta

Baanka Adduunka ayaa joojiyay inta badan mashaariicdii horumarineed ee uu ka waday Soomaaliya, isagoo ku sababeeyay kalsooni darro ku timid hanti dhowrka guud ee ‘la rakibay’ oo ah sababta koowaad ee waxqabadkooda, Horn Examiner ayaa ogaaday.

Tallaabadan ayaa walaac ka muujisay mustaqbalka dadaallada horumarineed ee dalka ka socda oo ka soo kabanaya dagaalladii sokeeye ee tobannaan sano socday kuwaas oo burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha.

Hanti dhowrka guud ee cusub ee loo magacaabay Axmed Ciise Guutaale oo horay u ahaa wariye ka tirsan idaacadaha maxaliga ah ayaa la kulmay dhaleeceyn la xiriirta khibrad la’aan iyo xirfad la’aan dhanka hanti dhowrka iyo arrimo musuq maasuq oo ay soo gudbiyeen deeq bixiyayaasha Somaliya.

Tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaa soo baxayay su’aalo ay weydiinayeen mas’uuliyiinta iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ee IFI, kuwaas oo ku saabsan shahaadooyinka Guutaale, waxaana la eegayay waxqabadkiisa.

Walaacaasi ayaa walaac ku abuuray maamulada Soomaalida oo ka cabsi qaba in magacaabistiisa iyo sii haynta xilka Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Guutaale ay saameyn xun ku yeelan karto kalsoonida dowladda, isla markaana ay fikrado khaldan ka dhex abuuraan deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka