Sidee Villa Somaliya uqorshaysay khal-khal gelinta Dimuqraadiyada Puntland?

24-Cisho gudahood,ayay ku burburaysaa Puntland,markuu lahaa Xasan Shiikh,waxuu dejiyay Laba qorshe,kuwaasoo kala ah….

Gaalkacyo?

Lacag $100-kun ah,ayuu Sacdiyo Samatar usoo dhiibay ,waxay la hartay $25-kun,intii kale,waxay ku wareejisay Xildhibaan Cismaan Xoosh.

$15-kun,ayuu kala haray isaguna Lacagtii oo $60-kun,ayuu ugeeyay Rag Nayrobi jooga oo kasoo jeeda Galkacyo.

Qorshahaha Lacagta loo bixiyay,waa in Gaalkacyo lagu qabto Shirar looga soo horjeedo Dimuqraadiyada iyo Deni.

Waxaa fulinta loo xil saaray Rag Siyaasiyiin iyo Nabadoono iskugu jira oo kala ah…

Safka hore?

1.Gaas.
2.Cabdirashid Ciro
3.Cali Xaaji
4..Sonkor Jaamac Geyre
5.Maxamed Cabdirisaaq
6.Cabdi Siciid.

Safka danbe?

1.Cabdinaasir Biixi Soofe
2.Maxamed Baldho
3.Shaacuur
4.Axmed Cabdi Cilal
5.Maxamud Akhwaan

Ilaahay mahadii Beesha Cumar Maxamuud Nabadoonadoodii,Ganacsatadoodii,Aqoonyahankoodii,Ciidankoodii iyo Saxaafadoodii si isku duubni ah ayay ufashiliyeen qorshahaas ugana hor yimaadeen.

13-ka Bishan oo Sabtida ku beegan,ayay ahayd in ay ku qabtaan Shirarka Gaalkacyo,waase lakala daadiyay qorshahoodii.

Garowe?

Sidoo kale $100-kun,ayuu Sacdiyo usoo dhiibay,waxay reebatay $25-kun,iyadoo $75-kun ku wareejisay Xildhibaan Cali Gaab,isagoo usii gudbiyay Xasan Shire Abgaal.

Hadafku waa in Garowe Shirar lagu qabto looga soo horjeedo Dimuqraadiyada iyo Deni.

Si gaar ah Xasan Shire,waxuu leeyahay 5-Gaari oo iitaal Garowe,ayaan ugu yaraan hal Xarun doorasho ku weerarayaa.

Si la mid ah Mudug,haldoorka reer Nugaaleed waa diideen qorshahaas,waana ka hor yimaadeen,waxaase Garowe isku shubay Aaran-shaydaan oo raba in ay,waxuun qaribaan.

Dowladnimadeena madax furasho looma haysan karo.

Jibril Qoobey.