Xasan Shiikh oo soo saaray amar kadib go’aanka Baanka Aduunka

Bankiga Aduunka,ayaa ku eedeeyey DFS in ay ku guul dareysatay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo eexda shaqaaleynta.

Wasiirka Maaliyadda,ayaa shir uga qeyb galay Washington oo eeddas loo soo jeediyey.

Markaas kadib,ayuu soo saaray Warqadan Xasan Shiikh uu ku amrayo in laga shaqeeyo la dagaallanka Musuqa iyo maamul xumada.

Baanka Aduunka,ayaa hakiyay Mashasriicdii uu ka fulinayay Somaliya kadib markii Dowlada Somaliya ku fashilantay Geedi socodkii Barnaamijka Dayn cafinta.

Si gaar ah,waxaa Dowlada loogu dhaleeceeysy dhawar arimood oo kala ah..

 

1.Wada shaqayn la’aanta Dowlad Goboleedyada.

2.Wasiirka Maaliyada oo hogaamintiidu hoosayso.

3.Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo faraha kula jira arimo musuq oo muuqda.

4.Hanti dhowraha la magacaabay oo lagu dhaliilay musuq iyo khibrad yari.

Sida muuqata M.Xasan Warqadiisan waxaa loo arkaa mid uu la tusayo Indhaha BC sababtoo ah musuqa ugu weyn,waxaa faraha kula jira isaga iyo Qoysaskiisa.

 

“President @HassanSMohamud supports Cabinet’s anti-corruption directives, a major step for accountability in Somalia. The focus is combating corruption, enhancing public financial management, and fostering meritocracy. The President urges immediate implementation”.