Halkee marayaa diyaar garowga Doorashada Golayaasha Ee Puntland?

Guud ahaan Puntland waa Amni iyo kala danbayn.

Bulshadu si weyn ayay ugu diyaar garowday Doorashada.

95%,ayaa qaatay Kaararka Codbixinta oo udhiganta 374-kun oo Qof oo ka mid ah 400-kun oo isdiiwaangelisay,waxaana weli socda Kaarar bixinta.

Agabkii lagu geli lahaa doorashada Qaybtiisii Labaad,ayaa soo gaaray Puntland,kaasoo ka kooban..

B.Sanaadiiqdii Codbixinta.

T.Qolka Codbixiyaha.

J. Khadda farta (lagu calaamadinayo Codbixiyaha).

X.Tooshka lagu xaqiijinayo Kaarka Codbixiyaha iyo farta codbixiyaha (Hadduu mar codeeyay qabanaya).

Kh.Kolayadii Agabka lagu gurayay.

Dowladu waxay diyaarisay dhaqaalihii lagu geli lahaa Doorashada oo dhan 3-Milyan oo dolar,taasoo aysan waxba ku darsan BC.

6000-kun oo Askari oo qayb ka ah amniga Doorashada,ayay Dowladu heegan gelisay.

Puntland waxay ka gudbaysaa hir weyn oo taariikhiya.

Jibril Qoobey.