Gaalkacyo oo umahadcelisay Madaxweyne Deni

Gaalkacyo: 14 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay xaflad loogu mahadcelinayo laguna dhiirigelinayo Bulshada Gaalkacyo, Sidii wanaagsaneynd ee ay taageerada ugu muujiyeen urur Siyaasadeedka KAAH iyo Waxqabadka taariikhiga ah ee Madaxweynuhu ku hoggaamiyey Puntland.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Bulshada Gaalkacyo shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen, sida isdiiwaangelinta, qaadashada Kaararka codka iyo ka qeybgalka Ololaha iyo isu soo baxyada Doorashada, si gaar ah wuxuu uga mahadceliyey Cududii taageero ee Bulshadu u muujisay Ururka KAAH iyo Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.