Miyuu ka qaybgalayaa Xaflada sagootinta Safiirka Maraykanka Madaxweyne Deni ?

Madaxweyne Deni kama qaybgalayo Xaflada sagootinta Safiirka Maraykanka ee Somaliya oo 17-ka Bishan loo qabanayo.

Casuumad loosoo diray,ayuu ka cudurdaartay in uu aqbalo,waxuuna usheegay Safaarada in uu ku mashquulsan yahay doorashada Golayaasha Deegaanka.

Balse xogo kale,ayaa sheegaya in Deni diidan yahay is araga madaxda kale ee Somalida oo Xafladaas lagu wada casumay.

Madaxweynaha,Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynayaasha DG,ayaa Xaflada lagu casumay.

Maraykanka,ayaa Safiir cusub usoo magacaabay Somaliya,waxaana la badalay midka hada jooga.

Jibril Qoobey.