Maxay kawada hadleen UNSOS,UNDP iyo Juxaa?

Garowe, May 14, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta khadka zoomka shir kula qaatay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha caawiya barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland oo ay kamid yihiin UNSOS iyo Hay’adda UNDP.

Shirka ayaa looga wada hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 33 Degmo, Fahamka guud ee Doorashooyinka Dadweynaha ee Puntland ka socda, xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay’adda bahwadagta iyo Dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka socday Hay’addaha taageera barnaamijka Dimuqraadiyeynta la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

Sidoo kale, Wasiir Cabdi Faarax ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo waxa uu uga dhiganyahay guud ahaan Soomaaliya iyada oo ay Puntland mudantahay in looga daydo barnaamijka talo ku celinta Dadweynaha ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

 

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.