Puntland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey oo kulan wada yeeshay

Garoowe: 15 May, 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed E. Osman Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shir heer Caalami ah oo u dhexeeyey Dowladda iyo Hay’addaha Qaramada Midoobey.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Hay’addaha Caalamiga ah ay Gar-gaar bini’aadanimo oo xoogan ugu fidin lahaayeen Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood oo geystay khasaare Naf iyo maalba keh.

Shirka waxa ka qayb galay guddiga Dawladda ee Arrimaha gurmadka bini’aadanimo ee Laascaanood.

DHAMMAAD.