Booliska Mudug oo isbadal qurxoon uu ka muuqdo

Taliska Booliska Mudug si weyn,ayuu ugu diyaar garoobay ilaalinta amniga Bulshada xiliga Doorashada.

Talye Maxamuud Cabdixakiin oo ah Nin dhalinyaro ah oo laga soo badalay markii hore Madaxtooyada Puntland qaybteeda amniga,waxuu ka muujiyay Mudug shaqo sare.

Mudadii uu xilka hayay,waxaa la kowsaday dhawr arimood oo kala ah…

1.La dagaallankii argagixisada oo socda.

2.Isku dhacyada ay sababaan muranka Dhulalka oo faraha ka baxay.

3.Isku dhacyada Beelaha ee Miyiga oo batay.

4.Danbiyada ka dhaca gudaha Magaalada oo siyaaday.

Dhamaan arimahaas,waxuu uga gudbay si xigmad leh oo Maanta Gobolku waa xasiloon yahay.

Inta uu hogaaminta Booliska Mudug joogay,waxa uu dhisay….

B.Unug gurnadka deg-dega ah oo Qalabaysan.

T.Unug qarsoon,Qalabaysan oo heegan ah.

J.Tayada iyo Qalabka Booliska oo uu kor uqaaday.

Waxqabadkaas,waxuu uhirgalay,iyadoo Gobolka dhaqaalihii badnaa ee lagu bixin jiray amaankiisa la yareeyay,isla markaana qurba joogtii heeganka ahayd caajis galay.

Ilaah mahadii Gobolka Mudug,waxuu yeeshay Boolis fadhiya.

 

Jibril Qoobey.