Garaad Jaamac oo xaliyay shaqaaqadii Garowe

Waa wax weyn Beelaha Harti oo midaysan kana wada shaqaynaya ilaalsashada Nidaamkooda,Amnigooda iyo midnimadooda.

Hal Sano ka hor Garaad Jaamac,waxaa loogu yeeri jiray Garaadka guud ee Somaliland,Maantana badbaadinta PL,ayuu hormuud ka yahay.

Dhanka kale Garaadadu jid ay ka baxaan ayay ufureen Aaran iyo reer Faroole,kadib markii ay waan-waan iyo dhex-dhexaadin bilaabeen.

Garaad Jaamac oo ka hadlayay Garowe,ayaa kawaramay waxa uga qabsoomay dhex-dhexaadintii ee ay isla qaateen Dowlada..

 

“Madaxweynihii waan u tagnay, isagoo waliba safar ah ayaan Qardho ugu tagnay, golaha deegaanka iyo dawladdaha hoose awalba dood lagama qabin, wuxuu ahaa arin ay dadku doonayeen, laakiin arinka 8 Janaayo iyo xaaladdaha ka dambeeya, Madaxweynaha waxan isla soo qaadanay in talo la isugu yimaado, taladaasna wuu qaatay mana dhaafi karo, waxa weeye talada waanu wada leenahay, annagu haddaan nahay dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda xaajadaas annagaa la wareegnay, annagoo wakil ka ah salaadiinta Puntland oo dhan.” Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Xaqiiqdu waxay tahay in Garaadadu kaga hagoogteen R.Faroole iyo Aaran-Shaydaan kacdoonka Shacabka Garowe iyo talaabo qaadista Dowlada.

Haday aragti leeyihiin xalkaas haka faa’idaystaan intaan laysla tagin xeerada salkeeda.